1128 Views

Iran oo beenisay inay ku lug laheyd weerar lagu qaaday markab ay laheyd Israa’iil

Iran oo beenisay inay ku lug laheyd weerar lagu qaaday markab ay laheyd Israa’iil
____________________________________________________________________________

Axad: August 1, 2021

Iran ayaa beenisay inay ku lug laheyd weerar lagu qaaday markab shidaal oo ay laheyd Israa’iil kaas oo marayay xeebaha Cummaan labo maalmood ka hor.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay in eedeymaha loo jeediyay ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona laheyn.

Israa’iil ayaa ku eedaysay dowladda Iiraan inay ka dambaysay weerar lagu qaaday markabka shidaalka.

Waxaana weerarka ku dhintay labo kamid ah shaqaalaha markabka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post