879 Views

Baadi-goobka dad weli lagu la’ayahay fatahaadda Beledweyn oo socda

Baadi-goobka dad weli lagu la’ayahay fatahaadda Beledweyn oo socda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Oktoobar 29, 2019 —Weli waxaa baadi goob lagu haayaa qaar kamid ah dadkii saarnaa doontii ku rogmatay fatahaada Wabiga Shabeelle ee Magaalada Baladweyne iyo dad ay qaadeen Biyaha kasoo fatahay Wabiga,kuwaas oo aan lagu heyn nolol iyo geeri.

 

Qaar kamid ah dadkaas oo ay mas’uuliyiin kamid yihiin ayaa shalay laga soo badbaadiyey dooontii la qalibantay halka weli qaarkood aan la heyn,hayeeshee ay baadi goob wadaan Guddi loo xilsaaray.

 

 

 

Gudodomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in weli gurmadka uu socdo,hayeeshee ay macquul tahay in meydadka dadka qaarkood in laga helo meelo ka fog Baladweyne.

 

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dadka doontaasi la xaqiijiyey inay ku dhinteen ay qeyb ka yihiin dad Shacab ah,kuwaas oo ku wajahnaa deegaanka Ceel-Jaalle ee duleedka Magaalada Baladweyne.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment