1740 Views

100 qof oo ku dhintay badda Mediterranean ka dib markii ay degtay doon yar oo siday dad muhaajiriin ah

100 qof oo  ku dhintay badda  Mediterranean ka dib markii ay degtay doon yar oo siday dad muhaajiriin ah
____________________________________________________________________________

April 23-2021

Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhintay badda  Mediterranean ka dib markii ay degtay doon yar oo siday dad muhaajiriin ah oo ka badan 130-ruux sida ay sheegtay Hay’adda socdaalka nuhaajiriinta ee IOM

Warbixin hey’adaasi ay soo dhigeen baraha bulshada ayaa lagu sheegay in doontaasi oo ka sameysneyd caag ay ku degtay meel Woqooyi kaga began caasimada Liibiya ee Tripoli.

Warar ayaa sheegaya inay jiraan laba doonyood oo kale oo ku dhibaataysan badda,xilli hirarka ama mowjadaha badda ay gaaraya  6-mitir .

Hay’adda socdaalka muhaajiriinta ee IOM ayaa baaq u dirtay dowladaha si ay dib ugu daabulaan maraakiibta baadigoobka iyo badbaadinta badda Mediterranean.

In ka badan 350 qof ayaa la sheegayaa in sanadkan ay ku dhinteen badda Mediterranean, kuwaasoo doonayey iney nolol cusub ka helaan qaarada Yurub oo ay ku sii jeedeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post