1182 Views

Wasiirka Amniga oo ka hadlay howlgal ay fuliyeen Ciidamada DANAB

Wasiirka Amniga oo ka hadlay howlgal ay fuliyeen Ciidamada DANAB
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 19, 2019 —Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Islaaw oo shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay waxa uu kulan la qaatay saraakiisha laamaha amniga ee ku howlan adkeynta amniga caasimadda Galmudug.

 

Kulanka ayaa looga hadlay laba jibbaaridda dalaallada lagu adkeynayo amniga guud,  gaar ahaan inta uu socdo shirka dib-u-heshiisiinta ee dhawaan furmaya,  looguna diyaar garoobayo dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

 

Saraakiisha ayaa wasiirka uga war bixiyay sida ay u wadaan amni sugidda caasimadda iyo howl-gallo kale oo ay ka sameeyeen deegaanno kale oo ka tirsan Galmudug.

 

Wasiirka amniga gudaha ayaa ciidanka ku ammaanay shaqada adag ee ay hayaan waxa uuna ku boorriyay in ay sii wadaan si loogu guuleyso dhismaha hay’adaha dowladeed ee Galmudug.

 

Sidoo kale Wasiir Ducaale ayaa sheegay in Saraakiisha Ciidamada warbixin ku siiyeen in howlgal ka dhacay deegaanka Camaara lagu soo qabtay Saddex Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment