924 Views

Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo ka hadlay qoys Xooolo dhaqato oo lagu laayay Mudug.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo  ka hadlay qoys  Xooolo dhaqato  oo lagu laayay  Mudug.
____________________________________________________________________________

Isniin: July 12, 2021

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Axmed Shire falagle ayaa ka hadlay qoys  Xooolo dhaqato ahaa oo lagu soo weeraray Gurigooda oo ku yaalla degaanka Saax-Qurun ee Gobolka Mudug, isla markaana laga dilay Aabe iyo laba caruur ah uu dhalay halka uu dhaawac culus soo gaaray hooyada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in falkaasi ay la xiriirinayaan aanooyin qabiil oo ka jiray degaano ku yaal Galbeedka Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa uu xusay in ciidamada amaanka Galmudug ay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay dilkaas, ayna sharciga marin doonaan marka la soo qabto, isagoo tacsi u diray ehelada dadka la laayey oo ka soo jeeda Puntland.

about:blank Sidoo kale Dhacdooyinka la xiriira dilalka aanooyinka qabiilka ah ayaa labadii sano ee la soo dhaafay kusoo batay degaannada Galmudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post