1107 Views

C/raxmaan C/shakuur oo ku baaqay in Taliyaha NISA Xilka laga qaado Dalkana uusan ka Bixin

C/raxmaan C/shakuur oo ku baaqay in Taliyaha NISA Xilka laga qaado Dalkana uusan ka Bixin
____________________________________________________________________________


Khamiis: September 2, 2021

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa goor dhawayd soo dhigay Bogiisaa Facebook, arinta ku aadan Dilkii Ikraan Tahliil oo NISA ay u saarisay Alshabaab.

Hoos ka Aqriso Qoraalkan

Maangal ma aha in Ikraan Tahliil oo in ka badan labo bil la waysanaa maanta Al-Shabaab loo saariyo. Al-Shabaab dad dila am qarxiya waa la arkay, laakiin horay uma dhic in Al-Shabaab saraakiil nabadsugid ah ka dhex qafaashaan xarumaha dowladda. Waxaase yaab leh in NISA aysan ka warqabin afduubka Ikraan, laakiin ay dilkeeda ogtahay.

Tani waxay caddeyn u tahay wadashaqaynta hay’adda Nabadsugida iyo Al-Shabaab. Waxay kaloo digniin culus u tahay in aysan jirin cid caawa ka badqabta in ay gacanta Al-Shabaab gasho ama xarumaha Dowladda loogu yimaado. Waxaa kaloo iyadana akhlaaq xumo ah in kiis miisaankaas leh looga hadlo fariin facebook lagu soo daabacay.

Maadaama uu masuuliyada dalka, gaar ahaan Amniga uu masuul ka yahay, caawa indhaha Soomaalida oo dhami waxay ku jeedaan tillaabada uu qaado Raysalwasaare Rooble. Waxaan u soo jeedinayaa

1- In uu la fariisto, jawaab u qalanta siiyo waalidka Ikraam Tahliil.

2- In uu badbaadiyo kalsoonida iyo aaminka lagu qabo Hay’adda Nabadsugidda.

3- Si taas u dhacdana waa in uu xilka ka qaado taliyaha Nabadsugidda, lana baaro kaalinta uu arrinkaan ku lahaa, lana xannibo dhaqdhaqaaqiisa inta uu baaritaanka socdo.

4- In Baaritaanka uu sameeyo guddi khubaro oo si toos ah xafiiska RW u hoos taga, si maalinle ahna ugu warbixiya.

Allaha u naxariisto Ikraam, ehelkeedana sabar iyo iimaan Allaha ka siiyo. Waan la damqaneynaa ehelka Ikraan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post