873 Views

Ruushka iyo Belarus oo Dhoollatus Wadajir ah Billaabay

Ruushka iyo Belarus oo Dhoollatus Wadajir ah Billaabay
____________________________________________________________________________

Sabti: November 13, 2021

Belarus iyo xulafadeeda Ruushka ayaa Jimcahan manta ah ku dhawaaqay in labada dal ay si wadajir ah dhoolatus milateri uga sameynayaan meel u dhow xuduudka galbeed ee Belarus uu la wadaago Poland, gobolkaas oo ay ka jirto xiisad dhanka socdaalka ah.

Wasaaradda Difaaca Belarus ayaa “Telegram-ka” ku sheegtay in ciidamada labada dal ay sameynayaan dhoolatus ay ujeeddasdiisu tahay “xoojinta dhaqdhaqaaqa militari” ee u dhow xadka, halka Moscow ay xaqiijisay in dhoolatusku uu qayb ka yahay ” hubinta u diyaargarowga dagaal lama filaan ah “

Arrintan ayaa imaneysa xilli dunida galbeedka iyo waddanka Belarus uu ka dhex aloosan yahay buuq weyn oo ku saabsan qaabka uu waddankaasi ay Raashka xulafada yihiin ula dhaqmo qaxootiga magan-gelyo doonka ah ee doonaya in ay xuduuddeeda gtooshaan.

Dadka ku dhibaataysan soohdinta u dhaxaysa labada dal ee Belarus iyo Poland ee ay hadda Mosco iyo Minsk dhoollatuska ka biilaabeen waxaa kamid ah tobannaan Soomaali ah oo duruufo ba’an ay halkaasi ku hayaan.

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa si kulul u cambaareeyay qaabka ay foolxumada ku sheegeen ee ay Belarus ula dhaqanto qaxootiga.

Ururka Caafimaadka Adduunka, ayaa isagana maata walaac ka muujiyay xaaladda caafimaad ee kumanaanka muhaajiriinta ah ee ugu xayiran Belarus khilaafka ka taagan xadka Midowga Yurub awgii.

Agaasimaha gobolka WHO ee Yurub Hans Kluge ayaa ku booriyay “dhammaan dalalku” inay “ilaaliyaan xuquuqda caafimaadka qaxootiga iyo muhaajiriinta ku sugan xudduudaha Belarusiya, kuwaas oo intooda badan u baahan gargaar caafimaad”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post