1107 Views

SAWIRO:-Diyaar garowgii u dambeeyay ee doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo socda

SAWIRO:-Diyaar garowgii u dambeeyay ee doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo socda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 22, 2019 —Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa haatan siweyn looga dareemayaa qaban qaabadii u dambeysay ee ku aadan doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

 

Xarunta lagu qabanayo doorashada ee Magalada Kismaayo oo amaankeeda siweyn u sugayaan Ciidamada Booliska Jubbaland iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa ku sugan inta badan Xildhibaannada Cusub ee Jubbaland, Odayaal, Siyaasiyiin & Xildhibanao ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomalaiya.

 

 

 

Ilaa Afar Musharax oo midi haween tahay  ayaa Maanta ku tartami doono doorashada Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland,kuwaas oo kala ah.

 

1: Axmed Maxamed Islaam

 

2: Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow)

 

3: Musharax Maxamed Cumar Geedi

 

4:  Canab Maxamed Daahir

 

Doorashada Maanta ka dhaceysa Magalada Kismaayo ayaa natiijada kasoo baxda waxaa horay u sheegay inaysan aqoonsan doonin Dowladda Federaalka Soomaaliya halka Beesha Caalamka ay si lamid ah shaki gelisay inay aqoonsato.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment