513 Views

10 qof oo ku dhimatay weerar ay gaysteen kooxo Islaamiyiin ah oo ka dhacay waqooyiga dalka Burkina Faso.

10 qof oo  ku dhimatay weerar ay gaysteen kooxo Islaamiyiin ah oo ka dhacay waqooyiga dalka Burkina Faso.
____________________________________________________________________________


Axad: January 16, 2022

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay weerar ay gaysteen kooxo loo maleynayo inay yihiin Islaamiyiin oo ka dhacay waqooyiga dalka Burkina Faso.

Saraakiisha ammaanka ee dalkaas ayaa sheegaya in rag hubeysan ay weerareen tuulada Namssiguian ee gobalka Bam Sabtidii shalay.

Waxay gubeen guryo waxayna halkaa ka qaateen hanti ay lahaayeen dadka halkaa ku nool. Waxyaabaha dadka ay ka qaateen waxaa ka mid ahaa teleefoonnadii gacanta si aaney dadku u dalban caawimaad.

Fallaagada ka jirta dalkaasi Burkina Faso ayaa maalin walba dad badan gaarahaanna xubno ka tirsan ciidamada amniga.

Waayihii la soo dhaafay kooxaha Islaamiyiinta ah ayaa ku sii xoogaysanayay gobalka Saaxil inkasta oo ay halkaa joogaan ciidamo caalami ah iyo kuwo maxalli ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post