390 Views

Aadan Madoobe oo kulan la yeeshay Xildhibaanno ka soo jeeda K/Galbeed & Jubbaland

Aadan Madoobe oo kulan la yeeshay Xildhibaanno ka soo jeeda K/Galbeed & Jubbaland
____________________________________________________________________________

Khamiis: LULY 21, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo uu weheliyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Cabdullahi Cumar Abshirow, ayaa xalay casho sharaf u sameeyay xildhibaanada degaan doorashadoodu tahay dowlad goboleedyada Koonfur galbeed iyo Jubaland .

Kullankan u dhexeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Koonfur galbeed iyo Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay  labo qodob oo kala ah, 
1- Abaaraha iyo sidii Xildhibaanada  gacan uga gaysan lahaayeen
2- Midnimo iyo isku xirnaasho Xildhibaanada ka soo jeeda deegaanadaas

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa guddi ka kooban shan xubnood u xil saaray in ay ka shaqeeyaan sidii wax loogu qaban lahaa gurmadka Abaaraha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post