765 Views

Farmaajo oo lagu wadaa in kulan gaar ah la qaato wafdi ka socda dowladda Mareykanka

Farmaajo oo  lagu wadaa in kulan gaar ah  la qaato wafdi ka socda dowladda Mareykanka
____________________________________________________________________________

 

Axad February 7, 2021

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in kulan gaar ah uu la qaato wafdi ka socda dowladda Mareykanka iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegaya in kulanka oo ka dhici doona Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde looga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, is marin waaga ka taagan doorashada iyo taageerada Mareykanka siiyo Soomaaliya.

Sidoo kale Wararka intaas kusii daraya in kulanka ay ka qeyb  geli doonaan Diblomaasiyiin kala duwan oo ka socda dowladda Mareykanka, mana jirto faah faahin intaas ka badan oo la helay.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Yamamoto ayaa horey Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqay inay xal buuxa ka gaaran doorashada dalka ka dhaceysa, isla markaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara qalalaaso siyaasadeed.

Beesha Caalamka ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii loo xalin lahaa is marin waaga ka taagan qabsoomida doorashada dalka, waxaana Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan uu kulamo kala duwan la qaatay Madaxda maamulada iyo Madaxweyne Farmaajo.

Si klastaba kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo fashil kusoo dhammaaday Shirkii Madaxda dowladda, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post