2049 Views

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday xarunta Baarlamaanka Jabuuti

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday xarunta Baarlamaanka Jabuuti
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 26, 2018 – Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta booqday Xarunta Baarlamaanka Jabuuti iyo dekeda weyn ee Magaalada Jabuuti.

Koormeerka guddoomiyaha waxa ku wehlinaayay guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa xarunta baarlamaanka Jabuuti kulan kula yeeshay guddoomiyaha iyo Xildhibaanada baarlamaanka Jabuuti.

Kulanka ayaa ahaa mid lagu xoojinaayay xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dowladood iyo labada baarlamaan.

Wafdiga guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal waxa ka mid ah Xildhibaano, Xoghayaha guud ee golaha shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi “Buux” iyo howl wadeeno ka tirsan golaha.

gud-barlanka-boqday-jabuuiti-3 gud-barlanka-boqday-jabuuiti-2 gud-barlanka-boqday-jabuuiti-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI                                                

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment