1296 Views

Koox hubeysan oo Muqdisho lagu qabtay

Koox hubeysan oo Muqdisho lagu qabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 13, 2018 —Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay labo ruux oo la sheegay in ay wateen hub, kuwaasoo ku sugnaa degmada Waabari ee gobolka Banaadir ka dib howlgal ay halkaasi ka fuliyeen Ciidanka.

Ciidanka Booliska ayaa sheegay in xubnaha la qabtay ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab,islamarkaana Ciidanka ay ku daba jireen maalmihii lasoo dhaafay ugu dambeyntiina ay gacanta ku dhigeen.

Labadda Ruux ayaa laga qabtay guri ku yaallo Xaafadda Buulo eelay oo ka tirsan Degmada Waaberi.

Booliska ayaa sidoo kale soo qabtay  Qori Ak47 ah oo raggaan la sheegay inay isticmaalayeen.

Hay’addaha Ammaanka ayaa hadda baaris ku wadda labadda ruux ee la qabtay oo la sheegay in mid ka mid uu horay uga tirsanaan jiray Ciidanka dowladda.

 

Xafiiska Wararka QW/Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment