2523 Views

Maxaa Katqaan Taariikhada Muuse Biixi ?

Maxaa Katqaan Taariikhada Muuse Biixi ?
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | 21 November 2017 – Muse Biixi Cabdi, Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanideeda ee Somaliland ayaa ku dhashay miyiga Hargeysa sandkii 1948.

Waxa uu sheegay in uu waxbarashadiisii Quraanka, dugsiga hoose iyo dhexeba uu ku qaatay magaalada Hargeysa, Dugsiga sare ee Cammuud ee Borama ayuu ka qalin jebiyay sanadkii 1970-kii, Ka dibna wuxuu ku biiray ciidamada cirka ee Soomaaliya.

Muuse Biixi Cabdi ayaa bishii May sanadkii 1985 waxa uu ku biiray jabhaddii SNM ee dagaalka kula jirtay dawladdii Maxamed siyaad Barre, waxaana markii dawladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay ee Somaliland-na ay ku dhawaaqday goonni isu taagga, ayaa wuxuu noqday 1993-dii wasiirkii Arrimaha Gudaha Somaliland ee dawladdii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Wuxuuna wasaaraddaasi hayay muddo oo uu ku soo caan baxay.

Muse Biixi wuxuu ka mid noqday gudigii fulinta, markii la aas aasay Xisbiga Kulmiye bishii May 2002-dii, isagoo Guddoomiye ku xigeenka Koowaad loo doortay 2008, waxaa Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye loo doortay 10-ka November 2015-kii, kadib shirweynihii xisbiga, waxaana loo xushay in uu noqdo musharraxa xisbiga.

Wuxuu ku hadlaa luqdaha English, Carabi, iyo Ruush, Wuxuu Jaamacadda Hargeysa ka dhammeeyay shahaadada sare ee cilmiga xallinta khilaafaadka, 2008 ilaa 2010.

Isha BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment