828 Views

MD Laftagareen oo Odayaasha Dhaqanka kala hadlay xaaladda dalka

MD Laftagareen oo Odayaasha Dhaqanka kala hadlay xaaladda dalka
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah Odeyaasha Dhaqanka ee ku mool egaannada Koonfur Galbeed.

Laftagareen ayaa waxaa oo uu warbixin ka siiyey xaalada dalka uu maraayo iyo sidii Doorkooda ay uga qaadan lahaayeen.

Wararka kulanka laga helay ayaa sheegaya in Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa Madaxweynaha u gudbiyeen cabashooyin kala duwan iyo sidii cadaalad loogu heli lahaa labadii Carruur ee dhawaan lagu dilay Magaalada Baydhabo.

Dhowr jeer ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu la kulmay Odayaasha Dhaqanka, isaga oo kala hadlay xaaladda dalka gaar ahaan dhibaatooyinka kajira degaannada Maamulkaas.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post