822 Views

Muuse Biixi oo kulan deg deg ah isugu yeeray golaha wakiilada cusub ee somaliland

Muuse Biixi oo  kulan deg deg ah isugu yeeray golaha wakiilada cusub ee somaliland
____________________________________________________________________________

Axad: August 1, 2021

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qoraal uu soo saaray waxaa uu kulan deg deg ah uu isugu yeeray golaha wakiilada cusub ee Soomaaliland ee dhawaan la doortay.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in kulanka uu qabsoomi doono maalinta Talaadada ah ee soo socota, iyadoona madaxweynaha uu Khudbad ka jeedin doono kulankaasi

“Muhiimadda uu leeyahay fadhiga ugu horreeya ee Mudanayaasha Golaha Wakiilladu, si ay u maraan dhaarta Dastuuriga ah, isla markaana iskaga dhex-doortaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, si waafaqsan Faqradda 3aad ee Qodobka 44aad ee Dastuurka Somaliland;
Waxaan Go’aamiyey in kulanka ay soo xaadiraan golaha wakiilada cusub ee Soomaaliland”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madaxweynaha Soomaaliland.

Sidoo kale Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay yeelan doonaan golaha wakiilada cusub ee Soomaaliland, tan iyo markii la doortay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post