1812 Views

Somali wax ka dhigta kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Mekelle gobolka Tigray

Somali wax ka  dhigta kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Mekelle gobolka Tigray
____________________________________________________________________________

Talaado: June 29 2021

Maxamed Axmed, oo dhigta kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Mekelle gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, ayaa sheegay in xaaladdoodu aaney waxba iska badalin tan iyo shaley markii halkaasi ay la wareegeen dagaal yahanada TPLF.

Maxamed, ayaa sheegay in ardey fara badan oo Soomaali ah ay ku jooggaan halkaasi, iyadoo wax waliba ay sidoodii ku socdaan.

Ardeyda ayaa isugu jirta kuwo jiifta jaamacadaha, iyo kuwo dhanka bannaanka kaga yimaada duruusta waxbarashada.

Waxey isugu jiraan Soomaalida wax ka barata gobolka Tigray dhakhaatiir iyo ardey wax ka kala barata jaamacado kala duwan.

Ma jirto dhaawac iyo dhimasho soo gaartey ardeyda Soomaalida halkaasi waxbarahada u joogta, inkastoo ay jireen ardey kale oo ay waxyeello soo gaartey.

Gacan ku heynta magaalada Mekelle ayaa waxaa la wareegay ururka TPLF, iyadoo sida uu sheegay Maxamed aaney wali go’aansan waxa ay yeelayaan maalmaha soo socda.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post