1326 Views

Dad ku dhintay Shil Gaari & Booliska Puntland oo ka hadlay

Dad ku dhintay Shil Gaari & Booliska Puntland oo ka hadlay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 05, 2019–Wararka laga helayo duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Shil gaari oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

 

Gaariga Shilka galay ayaa ku dhacay God weyn oo uu dumiyey Roobkii dhawaan ka da’ay Gobolka Bari,waxaana Gaariga uu kusii jeeday Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

 

 

 

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo tegay halka uu shilka ka dhacay ayaa sheegay in Shilkaasi uu ku geeriyooday hal ruux halka Afar kale ay ku dhaawacmeen.

 

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa hadalkiisa intaasi ku daray in gebi ahaanba ay joojiyeen isku socodka Gaadiidka wadada xiriirisa Boosaaso iyo Gaalkacyo ilaa iyo inta dib u dayactir loogu sameynayo wadadaas.

 

Wadada xiriirisa Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo iyo deegaano kale oo katirsan Puntland ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca Shilal Gaari oo ay ka dhashaan khasaaroyin dhimasho iyo dhaawac ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment