924 Views

Wasiirka amniga oo shaaciyey in madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu ka qeyb gelayo shirka golaha wadatashiga Qaranka

Wasiirka amniga oo  shaaciyey in madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu ka qeyb gelayo shirka golaha wadatashiga Qaranka
____________________________________________________________________________

Talaado: December 28, 2021

Wasiirka amniga ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa shaaciyey in madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu ka qeyb gelayo shirka golaha wadatashiga qaranka ee Ra’iisul Wasaare Rooble uu iclaamiyey.

Wasiir Cabdullahi oo ka mid ahaa mas’uuliyiin Axmed Qoor Qoor ku soo dhaweysay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa qoraal uu soo saaray waxuu ku sheegay in Qoor Qoor uu u yimid ka qeyb galka shirkaas.

“Waxaan Aniga iyo Xubno katirsan Golaha Wasiirada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan kusoo dhawaynay Magaalada Muqdiaho Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Ahmed Abdi Kariye ((Qoor Qoor) oo u yimid caasimada kaqayb galka Madasha Wadatashiga Qaran ee uu hogaamiyo Ra’iisulwasaare Mohamed Hussein Roble,” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur.

Shirkaan oo waxaa si cad u sheegay in uusan ka qeyb geli doonin Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, halka Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe aysan weli cadeyn mowqifkooda ka qeyb galka shirkaas.

https://47e4fd90b639a0f898d207cc1f581b6a.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa horay u balan qaaday inay ka qeyb galayaan shirkaan oo lagu waday in 27-kii bishaan uu ka furmo Muqdisho, balse dib u dhacay, kadib markii khilaaf qarka u saaran gacan ka hadal uu soo kala dhex-galay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynihii hore Farmaajo.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa galabta ka soo duulay Dhuusamareeb, welina ma cadeyn qorshaha safarkiisa Muqdisho, markii laga reebo warka wasiirka amniga, sidoo kale waxaa jira warar sheegaya inuu isku deyi doono dhex-dhexaadin uu ka dhex bilaabo Madaxweynihii hore Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

By Zahra Axmed Gacal 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post