378 Views

Muqdisho oo ay ku soo badanayaa dadka keligood isla hadla

Muqdisho oo ay ku soo badanayaa dadka  keligood isla hadla
____________________________________________________________________________

Axad, 29 Janaayo [Qaranimo Online] Magaalada Muqdisho, ee caasimada Soomaaliya, waxaa aad ugu soo badanaya dadka iyaga oo maraya waddada keligood isla hadla.

Muqdisho dadka xanuunka dhimirka qaba, ayaa intooda badan ay eheladooda ku xareeyaan xarumo loogu talogalay; Halka Magaalada ay ku soo yaraanayaan dadka dhimirka la’a ee waddooyinka wareegeysanaya, hasse ahaatee waxaa baryahan Magaalada ku soo kordhay dad marka aad muuqaalkooda aragto aysan haba yaraatee ka muuqan calaamadaha dadka dhimirka la’a, oo si qurux badan u labisan, haddana keligood isla hadlaya.

Maxamed Shiikh Xassan oo meherad ganacsi ku leh waddada Makka Al-Mukarama ayaa sheegay in maalin walba uu arko ilaa 10 qof oo uu garanayo haddana isla hadlaya, isaga ook u macneeyey nolosha Magaalada oo aad u adag.

“Dadku waxay  ku soo jireen tiih iyo colaad waqti aad u dheer. Magaaladu shaqo ma leh, haddana waa lagu soo wada jabay miyi & magaalo wixii joogay Muqdisho ayeey yimaadeen, camal ma leh, amni ma leh, siddee qofku u noolaanayaa.?” Ayuu yiri Maxamed Shiikh, isaga oo intaasi ku daray in haddii uusan isbeddel degdeg ah dalku wajahin in dadka hadda isla hadlaya in uu ku dhici doono xanuunka dhimirka.

Dadka dalkan ku dhaqan waa 3 dabaqadood. Dabaqada 1-aad waa ganacsatada & siyaasiyiinta oo dhaqaalaha ugu badan haysta, dabaqada 2-aad waa dadka ay eheladoodu dibedda jiiraan ee la biilo, dabaqada 3-aad na waa dadka danyarta ah oo ah kuwa ugu badan” Ayuu yiri Maxamed Shiikh, isaga oo intaasi ku daray  in cid kasta oo dalka hogaankeeda qabata aysan shacabka u jixin-jixeyn.

“Dalkan  & dadkan wax ka shaqeysanaya ma ahane, ma jirto cid u shaqeyneysa, koox kasta ee timaada maalmaha ay joogaan ayeey ku qaad-qaadaneysaa, koox kale ayaa imaaneysa haddana sidoo kale, mar walba dhibanayaashu waa danyarta” Ayuu yiri Maxamed, wuxuuna ugu baaqay culimada, aqoonyahanada & hormuudka bulshada in Dowladda lala xisaabtamo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post