849 Views

Xabad joojin la kala dhex-dhigay maleeshiyaad ku dagaalamay G/Mudug

Xabad joojin la kala dhex-dhigay maleeshiyaad ku dagaalamay G/Mudug
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 21 2020–Deegaanka Taaroge ee galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug waxaa ka dhaqangalay Xab joojin la kala dhaxdhigay dhinacyadii dhawaan ku dagaalamay Deegaankaas, kuwaas oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Deegaanka Taaroge waxaa gaaray Masuuliyiin ka kala socotay puntland iyo Galmudug waxaana qayb ka ahaa Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Saraakiil sar sare waxgarad iyo dhalinyaro,kuwaas oo halkaasi u tegay arrimo xal raadin ah.

Wadahadal muda dheer qaatay kadib waxaa Masuuliyiinta iyo Waxgaradka labada dhinac ay ku guulaysteen in Xabad joojin rasmi ah ay kala dhàxdhigaan dhinacyada ku Dagaalamay Deegaanka Taaroge ee Gobalka Mudug waxaana loo saaray guddi labada dhinac ah oo ka shaqayn doona soo afjarida Colaada Taaroge oo mudo badan soo noq noqotay.

Wararkii ugu dambeeyay e naga soo gaaraya deegaanka Taaroge ayaa waxaa ay sheegayaan in 24-kii Saac ee la soo dhaafay xaalada deegaanka ay aheyd mid degan,waxaana dib ugu soo laabanaya dadkii ka barakacay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment