1401 Views

‘Ragga bidaarta leh oo halis ugu jira wadne xanuunka’

‘Ragga bidaarta leh oo halis ugu jira wadne xanuunka’
____________________________________________________________________________

khamiis: December 16, 2021

Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in ragga bidaarta leh ay halis ugu jiraan xanuunada wadnaha in ka badan ragga cayilan ee da’doodu ka hooseyso 40 jirka.

Daraasada oo lagu sameeyay illaa 2,000 oo rag dhalinyaro ah oo Hindiya ku nool in ay badankood qabaan xanuunada wadnaha, intooda badana waa kuwa qaba bidaarta ama cirro.

Mac-hadka xanuunada wadnaha ee Yurub ayaa daraasadan sameeyay 2017-kii, waxaana laga shaaciyay shirweynaha ururka dhaqaatiirta wadnaha ee Hindiya.

Cilmi baarayaasha ayaa sheegay in 50% ragga qaba xanuunada wadnaha ay durba cirro kasoo baxdo iyaga oo aanan gaarin xiligii tintooda ay cirroobi lahayd.

Boqolkiiba 49% ragga qaba xanuunada wadnaha waxa ay yeeshaan bidaar ka hor xiligii laga filan karay in ay bidaar yeeshaan.

Daraasadan wixii ka horeeyay waxaa kaliya loo maleynayay in cayilnaanta ay tahay sababta ugu badan ee keenta wadne xanuunka.

Cilmi baaris kale oo la sameeyay sanadkii 2013, laguna sameeyay rag gaaraya 37,000 oo qof ayaa waxaa lagu ogaaday in boqolkiiba 32% dadkaas ay qabaan xanuuno wadnaha la xiriira.

Sidoo kale, daraasad sanadkii 2014-kii lagu sameeyay 10,885 rag ah kuwaas oo tintooda cireysatay ayaa lagu sheegay in ay u badantahay in ragaas uu mustaqbalka ku dhici karo xanuunka wadnaha.

Sida lagu horumarin karo caafimaadka wadnaha

Hormuudka cilmi baaristan oo lagu magacaabo Dr Dhammdeep Humane ayaa sheegay in ragga leh bidaarta ama cinrada ay wax ka badalaan qaab nololeedkooda, islamarkaasna ay helaan la talin caafimaad oo wanaagsan sida nooca cuntada ay cunaan iyo sidii ay u maareyn lahaayeen tiiraanyada.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post