750 Views

Urdun oo Amiir Xamza ku eedaysay inuu xasiloonni darro ka abuurayo boqortooyada

Urdun oo Amiir Xamza ku eedaysay inuu xasiloonni darro ka abuurayo boqortooyada
____________________________________________________________________________

April: Hol 5/4/2021

Amiirkii hore ee dhaxalsugaha ahaa ee waddanka Urdun ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu iskudayayo inuu hogaamiyayaasha qabaa’ilka ka horkeeno dowladda, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalkaasi ayaa sidaas sheegay.

Amiir Xamza bin Xuseen ayaa waxa uu “kooxo ajaanib ah” kala shaqeeyay sidii xasiloonni darro loogaga abuuri lahaa qaranka, ayuu yiri Ayman Safadi.

Amiirka ayaa goor sii horraysay waxa uu shaaciyay laba muuqaal oo uu u soo diray BBCda, kuwaas oo uu ku andacoonayo in xabsi guri la galilyay.

Waxa uu iska fogeeyay inuu wax maleegay, hasayeeshee waxa uu hogaamiyayaasha Urdun ku eedeeyay musuq maasuq iyo maamul xumo.

Lix iyo toban qof, oo ay ku jiraan lataliye hore ee Boqor Cabdallah iyo xubin kale oo ka tirsan qoyska boqortooyada ayaa Sabtidii la xiray kaddib markii lagu eedeeyay inay ammaanka halis ku yihiin.

Muuqaalkiisa ayuu Amiir Xamza oo ay boqorka kala bah yihiin waxa uu ku sheegay in loo sheegay in cid uusan la xiriiri karin.

Tallaabadaas ayaa la qaaday kaddib markii uu amiirku booqday hogaamiyayaasha qabaa’ilka, halkaas oo la sheegay inuu waxoogaa taageero ah ka soo helay.

Hooyadii oo ku dhalatay waddanka Mareykanka Boqorad Nuur ayaa sheegtay inay u ducaynayso waxa ay ku tilmaantay dhibanayaasha aan waxba galabsan ee “masabidashada foosha xun” ku eedaysan.

Maxaa lagu eedeeyay amiirka?

Isagoo Axaddii ka jawaabayay khilaafka soo kala dhexgalay xubnaha qoyska boqortooyada ayuu Mr Safadi sheegay in Amiir Xamza uu muuqaallada u adeegsaday inuu xogta dhabta ah ku marin habaabiyo uuna naraxiis ku helo, sida lagu daabacay wakaaladda wararka qaranka ee Petra.

Waxa uu shirka jaraa’id ka sheegay in amiirka iyo kooxo ajaanib ah ay maleegayeen inay xasiloonni darro ka abuuraan dalka mudana lala socday dhaqdhaqaaqiisa.Amiirka ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu “hogaamiyayaasha qabaa’ilka” ka horkeenayay dowladda.

Hasayeeshee arrintaas waa “la fashiliyay”, sida Petra ay ka soo xigatay kuxigeenka ra’iisul wasaaraha oo leh.

Mr Safadi ayaa ninkaas ku eedeeyay inuu xiriir la leeyahay hay’ado ammaan oo shisheeye oo xaaska Amiir Xamza waa amiirad Basmah siiyay duulimaad ay Urdun uga baxayso. Ma uusan qeexin hay’adda amaanka ee shisheeye ee arrintaas ku lugta leh.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post