1056 Views

Akhriso:-Qodobada looga hadlayo kulanka Maanta ee Golaha Shacabka

Akhriso:-Qodobada looga hadlayo kulanka Maanta ee Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 24, 2019 –Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah taariikhduna ku beegan tahay 24/6/2019 waxaa ay Xaruntooda ku yeelanayaan Kulankoodii caadiga ahaa ee Kal-fadhiga Shanaad.

Ajandaha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay u codeynta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga la dagaalanka Musuq maasuqa, iyada oo Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ajandahaas siweyn ugu diyaar garoobeen.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in uu jiro Maanta kulanka Golaha,isla markaana looga baahan yahay inay soo xaadiraan,waqtigana dhamaantood wada ilaaliyaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa ka baaqsaday Kulan ay yeelan lahaayeen sabtidii la soo dhaafay kadib markii uu soo buussami waayay kooramkii uu ku furmi lahaa Kulanka,waxaana Xildhibaanada digniin u diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa inta ay ku guda jiraan Kal-fadhiga 5aad ayaa waxaa weli horyaalla Ajandayaal dhowr ah oo la doonayo inay meel mariyaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment