1326 Views

Dowladda Soomaaliya, oo laga dalbaday inay la socoto muwaadiniinteeda qurba-joogta ah ee uu soo rito xanuunka Covid19

Dowladda Soomaaliya, oo laga dalbaday inay la socoto muwaadiniinteeda qurba-joogta ah ee uu soo rito xanuunka Covid19
____________________________________________________________________________

Khamiis, Abril, 09, 2020 [Qaranimo Online] Dowladda Soomaaliya, ayaa laga dalbaday in ay la socoto muwaadiniinteeda ugu dhimanaya cudurka covid19 dalalka dibedda ah, iyada oo la soo sheegayo in qiyaastii dad ku dhow 100 qofood oo Soomaali ah ay ugu dhinteen cudurkaasi dalalka Ingiriiska, Sweden, Denmark iyo Maraykanka.

C/llaahi Cali Xassan oo ka mid ah mas’uuliyiinta jaaliyadda Soomaalida ee Waqooyiga London, oo la soo xiriiray Qaranimo Online, ayaa  sheegay in dadka uu xanuunkaasi soo rito qaarkood dalalka ay joogaan inay ka heli karaan daryeel caafimaad, hasse ahaatee ay doonayaan in dowladdoodu ka war-qabto, taas oo dhiiragelin u noqon karta dadka muwaadiniinta ah ee haysta dhalashada dalalkaasi balse asal ahaan Soomaalida ah.

“Dadka kale ee ajnabiga ah ee dalalka shisheeye ku nool marka ay musiibo caalami ah dhacdo, waxaa durba soo istaaga safaaradooda, oo la socda xaaladoodu, Soomaalidu ku dhowaad dhowr iyo soddon sanno agoon bay ahayd, hadda waxaan helnay madax iyo dowlad jecel in ay soo nooleeyaan qiyamkii dowladnimada, waxaan madaxda ka codsanaynaa in isha lagu hayo dadka Soomaalida ah ee iyaga oo qurbaha jooga uu xanuunkaasi saf-marka ah soo rito” Ayuu yiri Cabdullaahi Cali Xassan.

Baaqan, ayaa ku soo beegmaya iyada oo maanta maamulka gobolka Banaadir ee xaruntiisu tahay Muqdisho uu soo saaray go’aanno lagu tira koobayo dadka u dhinta xanuunka covid19.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment