354 Views

Dalka Malawi oo saddex dambiile ku xukumay min 155 sano oo xarig ah Dalka Malawi oo saddex dambiile ku xukumay min 155 sano oo xarig ah

Dalka Malawi oo saddex dambiile ku xukumay min 155 sano oo xarig ah Dalka Malawi oo saddex dambiile ku xukumay min 155 sano oo xarig ah
____________________________________________________________________________


Khamiis: May 12, 202

Dalka Malawi ayaa saddex nin ay maxkamadda Sare ee dalkaas midkiiba ay ku xukuntay 155 sano oo xarig markii ay dileen dadka midabkoodu cassaanka yahay ee Albino loo yaqaan.

Raggaas oo da’doou u dhaxeyso 44, 45 jir iyo 71 jir ayaa lagu helay dambigaas dilka ah ka dib markii ay qirteen dika nin 23 jir ah oo Albino ah bishii jannaayo ee sanadkan.

Mid ka mid ah ragga la xukumay ayaa adeer u ahaa ninka la dilay .

Tobankii sano ee la soo dhaafay ayuu dalka Malawi la kulmay weeraro cabsi leh iyo dilal loo geysanayo dadka midabka cassaanka ah leh ee gaduudowga loo yaqaano , dilalakaas oo ay sabab u yihiin waxyaabo been abuur ah oo daka qaar rumeysan yihiin oo ah dadkaas qeybo ka tirsan jirkooda haddii waxyaabo sixir ah lagu daro lagahelayo nasiib iyo hanti fara badan oo qofku yeesho.

Tan iyo 2014 kii waxaa jiray in ka badan 170 kiis oo isugu jira dilal iyo afduubyo dadkaas xubnaha jirkooda qaarkood looga jaranayo .

Horraantii bishanayaa maxkamad Sare ay xukuntay kiiska qof ladilay oo Albino ah , waxaana la ogaaday in baadari ka tirsan kaniisadaha . sarkaal sare oo boliis ah iyo dhaqtar ay ku lug lahaayeen ka ganacsiga xubnaha aadanaha siiba kuwa dadka Albiinooga .

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post