1116 Views

Somaliya oo sameysaneysa Guddiga qaran ee xakameynta hubka fudud

Somaliya oo sameysaneysa Guddiga qaran ee xakameynta hubka fudud
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 06, 2019—Dowladda Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa kala saxiixday qorshe lixda bilood ee soo socota lagu diyaarineyo Guddiga qaran ee xakameynta Hubka fudud iyo rasaasta.

Warbixin ka soo baxday Dowladda Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa lagu sheegay in guddigaasi iyo shaqada uu qabanayo ay qeyb ka tahay qorshaha kala guurka ee Soomaaliya.

Guddigan ayaa ka shaqeyn doona sidii dowladda Federaalka ah ula wareegi lahayd hubka fud fudud iyo rasaasta, ugana ilaalineyso in uu gacanta u galo Al-shabaab iyo Daacish.

Shaqooyinka Guddigan waxaa ka mid ah in hubkaasi si gaar ah loo yeesho,waxaana guud ahaan maamulaya oo milkiyaddiisa yeelaneysa dowladda Federaalka ah.

Waxaa kale oo Guddigan ka shaqeyn doonaan in hubkaasi uusan ka soo gelin ama ka gudbin sohdimaha Soomaaliya.

Qorshahan ayey IGAD ku sheegtay in uu Soomaaliya ka caawinayo in laga qaado cunaqabateynta dhinaca hubka ah ee saaran.

Warkan ayaa Jimhicii shalay ahaa IGAD ka sheegtay Muqdisho,waxaana lagu sheegay in haddii lagu guuleysto ay fududeyn karto in qaramada Midoobey Soomaaliya ka qaaddo cuna qabateynta hubka ee saaran.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment