1173 Views

Ciidamada Puntland Oo Dib Ula Wareegay Deegaanka Af-Urur

Ciidamada Puntland Oo Dib Ula Wareegay Deegaanka Af-Urur
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 11,, 2019  –Wararka naga soo gaaraya deegaanka Af-urur oo hoostaga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi saakay ay dib ula wareegeen Ciidamada maamulka Puntland.

Deegaanka Af-urur ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa gacanta ku haayay dagaalamayaasha Al-shabaab,kuwaasi oo dhawaan halkaasi la wareegay,iyadoo wax dagaal ah uusan ka dhicin,kadib markii ay isaga baxeen Ciidamadii Puntland ee ku sugnaa.

Gaashaanle dhexe Maxamud Maxamed oo ah Taliyaha Ururka 3-aad ee deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada Puntland ay dib la wareegeen deeegaankaas,kadib markii ay dib uga baxeen Al-shabaab.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in muddo laba Isbuuc ah Ciidankood ay ka maqneey gacanta ku heynta deegaanka,hayeeshee ay markale ay dib ugu soo laabteen.

 

Dhinaca kale ma shaacin Gaashaanle dhexe Maxamud Maxamed in dagaal ay kula wareegeen iyo in kale,balse wuxuu xaqiijiyay inay deegaanka Af-Urur ay la wareegeen.

 

Deegaanka Af-urur oo hoostaga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa dhawaan si nabad ah ula wareegay Al-shabaab,iyagoona ka sameeystay fariisimo sida lagu daabaday farahooda Intenet-ka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment