2355 Views

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay” Soomaaliya waa in ay ka dhacdo doorasho aan mar kale dib u dhicin”

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay” Soomaaliya waa in ay ka dhacdo doorasho aan mar kale dib u dhicin”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 13da Maarso, 2021–Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa jimcihii meel mariyay qaraar lagu kordhinayo waqtiga howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ilaa bisha Diseembar, waxayna ugu baaqeen maamulada Soomaaliya in ay qabtaan doorashooyinka “dib u dhac dambe la’aan ah.”

Qoraalka oo ka kooban 13-bog oo ay soo diyaarisay Britain ayaa waxaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay 15-ka xubnood ee Golaha, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed

Waxay cadeysay inay adagtahay in lasoo afjaro sababo laxiriira khilaafaadka bishii lasoo dhaafay udhaxeeyay wadamada reer galbeedka iyo xubnaha Afrikaanka ah ee golaha, oo ay kujiraan Kenya, Niger iyo Tunisia, kuwaas oo xitaa London ku qasbay inay dib u dhigto codeynta 15 maalmood.

Su’aasha ku saabsan maalgalinta ciidamada Midowga Afrika, ee loo yaqaan Amisom, ayaa ka mid ahayd qodobadii la isku hayey.

Kadib markii lagu dhawaaqay natiijada codbixinta, Niger waxay soo saartay, iyadoo kuhadleysa magaca dowladaha xubnaha ka ah Afrika, bayaan dheer oo xasaasi ah oo kusaabsan sida wadahadalada ay uqabatay Ingiriiska, oo ay sheegtay inay iska indhatireen qaar kamid ah tabashooyinkooda.

“Qaar ka mid ah soo-jeedimadeennii waa la diiday iyadoo aan la helin sharraxaad lagu qanci karo ama midna,” ayuu yiri Abdou Abarry, oo ah danjiraha Niger.

Wuxuu yiri “qoraalka ugu dambeeya kama tarjumayo mowqifyada Midowga Afrika.”

Soomaaliya ayay sheegtay waqtigii loo qabtay inay ku qabsoonto doorashada ugu dambeyn 8-da Febraayo, xilligaas oo uu xilka ka dagi lahaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed,  taas oo xiisad dastuuri ah ka dhalisay dowladdii horey u jilicsaneyd.

Farmaajo iyo shanta hoggaamiye goboleed ee Soomaaliya waxay gaareen heshiis 17-kii Sebtember Laakiin uu fashilmay ka dib markii la isku khilaafay qaabka loo fulinaayo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post