1311 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan deg deg ah la qaatay laamaha Amniga

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan deg deg ah la qaatay laamaha Amniga
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 14 2021–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir Gudoomiyey shirka Gollaha Amniga Koonfur Galbeed oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Amniga,Saraakiisha laamaha Amniga Qeybahooda kala Duwan.

Shirka ayaa waxaa warbixin looga dhagaystay Qaar kamid ah saraakiisha Laamaha Amniga, waxaana ay sheegeen in Ciidanka Habeen iyo Maalin ay ku jiraan Howlgalo lagu sugayo Amniga degaanada Koonfur Galbeed lagagana hortago falalka ay  Al-Shabaab ka geestaan Gobolada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Saraakiisha Laamaha Amniga uga Mahadceliyey dadaalkooda ku aadan xaqiijinta Amniga waxaana uu kula Dardaarmay inay sii xoojiyaan Dadaalka lagu sugayo Amniga Deeganada Koonfur Galbeed.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post