1248 Views

Diiq loo adeegsaday inuu la dagaallamo Diiq kale oo sababay inuu ninkii milkiilaha ahaa uu dhinto.

Diiq loo adeegsaday inuu la dagaallamo Diiq kale oo sababay inuu ninkii milkiilaha ahaa uu  dhinto.
____________________________________________________________________________

 28 /2/ 2021

Diiq loo adeegsaday inuu la dagaallamo Diiq kale ayaa sababay inuu ninkii mulkiilaha ahaa uu mindi ku dhinto.

Mulkiilaha digaagga oo ah ninka dhintay ayay mindida ka gashay gumaarka xilli uu isku dayayey inuu joojiyo digaagga oo baxsanayey.

Ninka ayaa geeriyooday inta isbitaalka loo sii waday maadaamaa dhaawaca soo gaaray uu u dhiig baxay.

Booliska ayaa haatan ku raad joogo 15 qof oo ka qayb qaatay tartanka Diiqa oo lagu qabtay tuulada Lothunur oo ah goobti uu shilkaasi ka dhacay toddobaadkan oo ka tirsan gobolka telangana.

Diiqa ayaa saldhigga booliska lagu hayey ka hor inta aan beerta xayawaanaadka loo gudbin.

Booliskana waxay sheegeen Diiqa dhimashada ninki lahaa sababay in loo adeegsaday dagaal sharci darra ah oo Diiq kale la galay marki laga awood roonaadayna uu isku dayay inuu lafahiisa la baxsado.

Mulkiilaha oo isku dayay inuu diiqa baxsadka ah uu soo qabto balse waxaa ku dhacday mindi dhererkeedu yahay 7 senti meetir oo uu diiqa lugtiisa ku xirneyd.

Wakaaladda wararka ee AFP waxay sheegtay dadki dhacdadaasi ku lugta lahaa iney wajahayaan eedeymo la xiriira dil, qamaar sharci darra ah iyo iney diyaariyeen tartanka dagaalka Diiqda oo sharci darra ah.

Wargeyska The New Indian Express oo soo xigatay Taliyaha Booliska B Jeevan waxay sheegtay Diiqa dhimashada ninkii lahaa sababta u noqday in maxkamadda la geynayo maalmaha soo socda si uu kiiska caddeyn uu ugu noqdo.

Dagaalka Diiqda ayaa dalka sharci darro laga dhigay sanaddi 1960-kii balse weli dhulka miyiga ah sida tuulada Telangana ee dalkaasi waxaa weli ka jira tartanka Diiqa lagu tartamo oo lacago lagu kala qaato, iyada oo dada badanna ay tartanka noocaasi ah ay soo bandhigaan ciidda Hinduuga ee Sankranti.

Ma aha marki ugu horreysay oo Diiq ninki lahaa uu dilo.

Sanadkii hore nin ayaa ku dhintay Andhra Pradesh kaddib marki Diiq uu isagu lahaa makiinad lugta uga xirneyd ay qoorta ka gashay.

CNN waxay sheegtay dhcadadaasi marki ay dhaceysay ninka Diiqa lahaa inuu Diiqa dilau uu u sii waday goob tartanka dagaalka Diiqa uu ka dhacayey.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post