945 Views

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo howlo shaqo u joogo dalka Sacuudi carabiya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo howlo shaqo u joogo dalka Sacuudi carabiya
____________________________________________________________________________


khamiis: April 14, 2022

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamad Nuur oo howlo shaqo u joogo dalka Sacuudi carabiya ayaa kulan gaar ah la yeeshayWasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi Amiir Abdulaziz bin Saud bin Nayef.

Labada dhanac ayaa kulankooda diirada ku saaray Arrimaha la xiriira iskaashiga amniga, ladagaalanka argagixisada iyo adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dal, wuxuuna Wasiir Cabdullaahi uu uga mahad celiyay dowladda Sacuudiga taageerada ay had iyo jaar la garab taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliya taas oo dagaal adag kula jirta Al-Shabaab.

Ugu dambeyn,  Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ee dalka Sacuudiga Amiir Abdulaziz bin Saud bin Nayef ayaa dhankiisa sheegay in Sacuudiga uu xoojin doono wada-shaqeynta dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena ay kordhin doonto taageerada dhaqaale iyo midda amni oo ay siiso dowladda Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post