171 Views

Madaxweynaha Galmudug oo Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug kormeer ku tagay fariisamaha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug

Madaxweynaha Galmudug oo Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug  kormeer ku tagay fariisamaha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug
____________________________________________________________________________

Axad: January 22, 202

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa oo maalmahan ku sugnaa Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa kormeer ku tagay fariisamaha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug ee ku sugan deegaanada hoostaga Xarardheere.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ciidamada qalabka sida ku boggaadiyay guulaha ay ka gaareen howlgalada lagu ciribtirayo Kooxda Al Shabaab ee wali ku sugan qeybo kamid ah deegaannada Galmudug.

Qoor Qoor oo ay la socdeen wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya  iyo xildhibaanno ayaa soo indha indheeyay farriisamaha ciidanka ka joogaan degmada Xarardheere iyo duleedkeeda.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Xarardheere oo laga saaray Al Shabaab, waxa ayna degmadan aheyd fariisinkii ugu weynaa ee Al Shabaab ku lahaayeen gobolka Mudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post