552 Views

Uhuru Kenyatta oo taageerey murashaxnimada madaxweyne ee Raila Odinga

Uhuru Kenyatta oo taageerey murashaxnimada madaxweyne ee Raila Odinga
____________________________________________________________________________


Axad March 13, 2022

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ku taageerey murashaxii uu hore ula tartamay ee Raila Odinga, inuu yahay murashaxa madaxtinimo ee doorashada sanadkan.

Madaxweynaha haatan xilka haya, ayaan mar kale isa soo sharixi Karin, maadaama uu horey usoo qabtey laba xili jagada uggu sareysa ee dalka.

Kumanaan qof oo isugu soo baxey magaalada caasimadda ah ee Nairobi, ayuu u sheegay Kenyatta inuusan wax shaki ah ka qabin in Mr Odinga uu yahay kabtanka kooxda.

Bishii hore xisbiga talada haya ee Jubilee, ayaa ku biirey isbaheysiga Mr Odinga.

Sanadkii 2018-kii, Mr Kenyatta iyo Mr Odinga, ayaa ku dhawaaqey heshiis, kadib rabshado dhimasho iyo dhaawac sababay, oo ka dhashey doorashada dalkani Kenya ka dhacdey.

Labada qoys, ayaa muddo tobanaan sano isaga soo horjeeday loolanka siyaasadda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post