1095 Views

Dowladda Soomaaliya oo codsi la xiriira Abaaraha u dirtay Shiinaha

Dowladda Soomaaliya oo codsi la xiriira Abaaraha u dirtay Shiinaha
____________________________________________________________________________

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Cusmaan Abokar Dubbe la kulmay Safiirka Shiinaha FEI Shengchao.

Kulanka Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cusmaan Abokar Dubbe iyo Safiirka Dowladda China FEI Shengchao oo ka dhacay xarunta Safaaradda waxaa ay uga wada hadleen horumarinta mashaariicda Shiinaha ka fulinayo Soomaaliya.

Wasiir Dubbe ayaa safiirka uga mahad celiyay mashaariicda horumarineed ee Dowladiisu ka wado Soomaaliya gaar ahaa mashiiriic ay ku taageero Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska sida qalabeynta iyo horumarinta dhismaha Tiyaatarka iyo Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale Safiirka uga mahad celiyay kaalinta Dowladda China ee dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya, sidaas oo kalana Soomaaliya u taagan tahay ilaalinta Midnimada iyo wadajirka dadka iyo Dowladda China lagama maarmaanna ay tahay xoojinta arrintaasi.

Safiirka Dowladda China FEI Shengchao ayaa Wasiirka Warfaafinta ugu mahad celiyay kulanka iyo booqashada waxaana uu balan qaaday in ay xoojinayaan mashaariicda horumarinta Dhaqanka iyo Warbaahinta.

Waxaa uu sheegay Safiirka in labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo ku dhisan iskaashi, islamarkaana dowladiisu taageerayso horumarinta dhismaha dowladnimada.

Wasiir Dubbe oo ka mid ah Guddiga Abaaraha, waxaa uu sidoo kale Safiirka kala hadlay in dowladda China gacan ka gaysato gurmadka abaaraha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa abaaraha soo noq noqday ee Soomaaliya, sida in loo sameeyo waro iyo ceelal lagaga hortago biyo la’aanta

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post