1848 Views

Dhageyso:-Xildhibaan Jeesow”Deganaansho Siyaasadeed Lama Helayo Inta Wasiir Ku Xigeen Uu Mushaar Ahaan U Qaato$7200”

Dhageyso:-Xildhibaan Jeesow”Deganaansho Siyaasadeed Lama Helayo Inta Wasiir Ku Xigeen Uu Mushaar Ahaan U Qaato$7200”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 30, 2018 –Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Xeer-hoosaadka Golaha ay qeyb ka tahay in Xildhibaan walba xilliga fsaxa uu dib ugu laabto deegaanada laga soo doortay hadana dhaqaaliii ku bixi lahaa uusan heysan.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in dalkaan aan xasilooni Siyaasadeed aan laga heleyn inta Wasiir ku xigeen uu qaadanayo $700”,isla markaana Xildhibaan uu waayo wixii uu ku tegi lahaa deegaanadii laga soo doortay.

“Deganaansho Siyaasadeed lama helayo inta Wasiir ku xigeen uu mushaar ahaan u qaato$700”,xildhibaanada uu waayo lacagihii uu ku tegi lahaa deegaanadii laga soo doortay,waxaana codsan lahaa in miisaaniyadda xildhibaanada lagu daro miisaaniyadda dowladda ee 2019 ayuu yiri Xildhibaanka.

Inta badan xilliyada qaar ayaa Xildhibaanada Golaha Shacbaka qaarkood waxa ay keeneen mooshin ka dhan ah Madaxda ugu sareysa dalka,waxaana Xildhibaanka uu u sababeeyay in Xildhibaanadu aysan heysan dhaqaalo ku filan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment