843 Views

Caro ka dhalatay nin 900 oo qof shaqada ka tiray isaga oo adeegsanaya qadka Zoom-ka

Caro ka dhalatay nin 900 oo qof shaqada ka tiray isaga oo adeegsanaya qadka Zoom-ka
____________________________________________________________________________


Talaado: December 7, 2021

Waxaa dhaleeceyn loo jeediyay maamulaha shirkad ku taalla dalka Mareykanka oo shaqada ka ceyriyay ku dhawaad 900 oo kamid ah shaqaalahiisa isaga oo adeegsanaya khadka Zoom-ka.

“Haddii aad ku jirto wicitaankan waxaad ka mid tahay kooxda nasiib-darrada la kulantay ee shaqada laga tirayo,” ayuu yiri Vishal Garg, oo ah madaxa fulinta ee shirkadda guryaha dadka u dhista guryaha ee Better.com,.

Waxaana wicitaanka shaqada looga tiriyay dadka galiyay baraha bulshada.

Dadka baraha bulshada isticmaala ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid argagax leh xilli dadkan ay u baahan yihiin qarash ay noloshooda ku maareeyaan xilligga fasaxa Kirismaaska.

“Markii aan shaqaalaha ka wacay Zoom-ka xilliggii aan u sheegayay in shaqada la ceyriyay, waan ooyay” ayuu yiri Vishal Garg.

Mr Garg wuxuu sheegay in wax-soo-saarka shaqaalaha iyo isbeddellada ka jira suuqyada ay ka dambeeyaan shaqo tiridda baahsan ee lagu sameeyay boqolkiiba 15 shaqaalaha shirkadda Better.com.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post