300 Views

Mas’uuliyiin booqday degaano uu ka fatahay Wabiga Shabeelle.

Mas’uuliyiin booqday degaano uu ka fatahay Wabiga Shabeelle.
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha Gobolka Shabellada Dhexe ahna Duqa Magaalada Jowhar Axmed Meyre Makaraan iyo xubno ka tirsan Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Jowhar ayaa kormeer indha-indheyn ah ku tagay Tuulada Raqeyle oo dhawaan fatahaad uu ka  sameeyey wabiga Shabelle

Odoyaasha iyo Maamulka Tuulada ayaa Gudoomiyaha Warbixin kasiiyay saameynta fatahaada ay ku yeelatay waxayna soo bandhigeen qasaaraha uu geystay wabiga fatahay.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo lagu xakameeynayo fatahaada Shacabkana laga doonayo inay kaalin ka qaataan dadaalada socda waxa uu sido kale Hay’adaha gurmadka ugu baaqay iney uso gurmadan Dadka ay saameysay fatahaada

Ugu dambeyn  Guddoomiyaha Gobolka ayaa kormeerka kusoo gabagabeeyay wadada aada Xaafada Buulo Sheekh oo dib ufurid & dayactir lagu sameynayo

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post