429 Views

Magaca iyo sawirka ninkii tooreyda ku dhaawacay Salman Rushdi

Magaca iyo sawirka ninkii tooreyda ku dhaawacay Salman Rushdi
____________________________________________________________________________

Sabti: AUGUST 13, 2022

Booliska Mareykanka ayaa xiray tuhmane lagu magacaabo Hadi Matar oo 24 jir ah, kana yimid degaanka Fairview, New Jersey, wax yar ka dib markii uu ku orday Masrax lagu wareysanayay Mr Rushdie Machadka Chautauqua ee galbeedka New York.

Rushdie ayaa ugu yaraan hal toorey looga dhuftay qoorta iyo caloosha, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Booliiska ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegay in shaqaalaha iyo xubnihii goobta joogay ay ku xireen qofka weerarka geystay halkii arrintu ka dhacday oo waliba ay figeen inta ay dhulka dhigeen.

Muslimiin badan ayaa ka carooday buugga Salmaan Rushdi, waxay sheegeen in buugga meel uga dhacay Rasuulka (N.N.K.H.H) iyo diinta Islaamka.

about:blank Salman waxaa loogu hanjabay dil, waxay hanjabaddaas ku khasabtay inuu galo dhuumaleysi, dowladda Britain ayaa si weyn u ilaalineysay ammaanka Salmaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post