486 Views

Wasiirka Caafimaadka Oo Qaabilay Madaxda Midowga Bangiyada

Wasiirka Caafimaadka Oo Qaabilay Madaxda Midowga Bangiyada
____________________________________________________________________________

Arbaco: AUGUST 31, 2022

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa maanta Xafiiskiisa Ku qaabiley Madaxda Midowga Bangiyada Soomaaliyeed.

Kulanka Wasiirka waxaa ku wehliyey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maryama Maxamed Xuseen Duulliye, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dr Maxamed Xasan Maxamed iyo lataliyaal Sare.

Madaxda ka socotey Midowga Bangiyada Soomaaliyeed ayaa warbixino ku saabsan wadashaqeynta aan xaddiga la hayn ee kala dhaxeysa Wasaaradda u gudbiyey Madaxda Wasaaradda Caafimaadka.

Xubnahan ayaa bogaadisey in Wasiirku aqoonsaday kaalinta ay Bangiyadu ku leeyihiin Horumarinta Caafimaadka oo markasta ay qeyb wayn ka yihiin, Waxayna xuseen in ay sii wadi doonaan howlaha ay gacanta ka geystaan ee isugu jira kuwa u baahan in markasto laga jawaabo maadaama Soomaaliya ay ku jirto Soo kabasho dhankasta ah.

Midowga Bangiyada ayaa hoosta ka xariiqey in ay maalgelin doonaan Mashaariicda Caafimaadka oo ah meelaha mudan in kor loo qaado maadaama Bulshadeenu u baahan tahay adeeg Caafimaad oo deegaan kasta gaara, waxayna ku tilmaameen gudasho waajib oo ka saaran Bulshadooda ( Corporate Social Responsibility) CSR.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn Madaxda Midowga Bangiyada Soomaaliyeed ku booriyay in Maalgashi lagu sameeyo Qeybta Caafimaadka si loo helo habka daadajinta adeegga Caafimaadka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post