1692 Views

Galmudug oo ku dhawaaqday howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

Galmudug oo ku dhawaaqday howlgal ka dhan ah Al-Shabaab
____________________________________________________________________________


Muqdisho, 17da Maarso, 2021
Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Ammaanka maamulka Galmudug ay qaadi doonaan howlgallo ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, kuwaasoo looga saarayo degaanada ay gacanta ku hayaan.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dhamaadka sanadkaan Galmudug gabi ahaanba laga xoreyn doono Al-Shabaab.

Waxaa uu tilmaamay Wasiirka Amniga Galmudug in la diyaariyay ciidankii ka howlgali lahaa xoreynta Ceelbuur, Ceeldheer, Galhareeri iyo degmada Xarardheere.

Fiqi waxaa uu hoosta ka xariiqay in Galmudug ay qaadi doonto howlgal qorsheysan ayna ka qeyb qaadan doonaan ciidanka maamulka Galmudug, kuwo dowladda dhexe iyo dadka degaanka.

Galmudug ayaa dhawaan sameysay ciidamo daraawiish ah, kuwaasoo lagu tababaray Magaalooyinka ka mid ah Galmudug, waxaana dhawaan loo sameeyay talis guud oo noqon doona Magaalada Dhuusamareeb.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post