1059 Views

Shiikh Aadan Sunni oo sheegay in uu ku biiray Al-shabaab

Shiikh Aadan Sunni oo sheegay in uu ku biiray Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Talaado: March 22, 2022

Sheekh Aaadan Cabdiraxmaan Warsame “Sunne” oo dhawaan ay mas’uuliyiinta Somaliland ku dhawaaqeen inuu ka baxsaday magaalada Hargaysa ayaa sheegay in uu ku sugan yahay deegaan ku yaalla Koofurta Soomaaliya oo ay ka taliyaan Al-shabaab.

Waxa uu xaqiijiyay in uu kasoo baxsaday Somaliland, isagoo eedeyn u jeediyay maamulka Jamhuuriyadda iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

“Magaalada Hargeysa waxaan uga soo baxay aniga oo reerkeygii wata in waddankii aan ku dhashay oo aan ka ahaa nin culimo ah oo ku howlan dacwada Islaamka iyo tarbiyada Islaamka ay igu timid carqalad xooggan oo ku wajahan howlsheyda, taasoo kaga timid nidaamka ka jira meesha,” ayuu yidhi.

Sheekh Aadan Suna ayaa sheegay in uu hadda ku sugan yahay meelaha ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post