1074 Views

SAWIRO:-Wasiir Cawad oo kulan la qaatay Wakiilka QM

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 12, 2019–Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan.

 

Kulanka ayaa labada dhinaca inta ay ku guda-jireen ay kaga wadahadleen arrimo la xiriira siyaasadda, nabadgelyada, bani’aadannimada iyo dhaqaalaha.

 

 

 

Wasiir Cawad waxa uu soo dhoweeyay mowqifka wanaagsan ee Qaramada Midoobey ay ka taagan tahay taageeridda tallaabooyinka dowladda ee ku wajahan mideynta Soomaalida si loo gaaro himilada dadka, isagoo caddeeyay in ‘”kulamada noocan oo kale ah ay xoojinayaan kaalinta Qaramada Midoobey ee danaha dadka Soomaaliyeed ”

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment