1038 Views

Wafdi Ka socoda bank addunka oo Baydhabo soo gaarey kullan la qaatey Kusimaha Madaxweynaha Kg

Wafdi Ka socoda bank addunka oo Baydhabo soo gaarey kullan la qaatey Kusimaha Madaxweynaha Kg
____________________________________________________________________________

Baydhabo  | QOL | May 26, 2019–Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Gobolledka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ahna Gudoomiyaha Baarlamanka koonfur galbeed ,Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye,Ayaa Maanta Xafiskiisa Kullan kula qaatey Wafdi ka socoda banka Addunka ,oo ay hogaamineysay, Makiko Watanabe,oo ah Madax Mashaaricda Banka Addunka Ee Est Africa, kullanka ayaa waxaa ka soo qeyb galey Wasiiro ,Xildhibaano Madax ka socota Hay’adaha ka Howlga Baydhabo, Mamulka Degmda Baydhabo,iyo Mas’uuliyiin kala duwan,

Madax Mashaaricda Banka Addunka Ee Est Africa, Makiko Watanabe aya halkaasi ku soo bandhiktey Mashaaricyada ay ka fulin doonan Magaalada Baydhabo,oo ay ka mid tahay Sideed Waddo oo ay ka dhisi doonan Gudaha Magaalada ,Xafadaha Kuwaasi oo Muhiim u ah isu socotka dadka,iyo Gaadiidka,

Mashuruuca dhismaha Waddooyinka ayaa waxa uu si rasmi ah ubilaaban doona Bisha April-2020-ka
Kaa oo maal galineya banka Addunka,

Intaasi ka dib Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Gobolledka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ahna Gudoomiyaha Gollaha wakiilada koonfur Galbeed Soomaalliya,Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye,Ayaa aad usoo dhaweyay ,Masharuucan dhismooyinka 8-wado Ee Banka Addunka oo ka dhisi doono Magalada Baydhabo ,kuwaasi oo Muhiim ah Isu socodka Gawaarida,iyo dadkaba,

Ugu dambeyn Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Gobolledka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ,ayaa Umahadceliyay Banka Addunka sida mar waliba Dowladda koonfur Galbeed ay ugarab taaganyihiin,

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Baydhabo

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment