1461 Views

Wasiirkii Arrimaha Dibedda Iiraan Oo Is Casilay

Wasiirkii Arrimaha Dibedda Iiraan Oo Is Casilay
____________________________________________________________________________

Mogdishu | QOL | Febaraayo 26, 2019 –Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Iiraan, Maxamed Jafaad Zariif ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigtay Barta Bulshadda ee INSTAGARAM.

Faahfaahin kama uusan bixinin sababaha uu isku casilay, wuxuuna u mahad celiyey Qaranka Iiraan iyo Saraakiisha.

Wakaalladda Wararka Dowladda Iiraan ee IRNA waxay sheegtay inuu Afhayeen Cabaas Musaafi xaqiijiyey inuu is-casilay Wasiirkaasi oo xilka hayey tan iyo bishii August ee sannadkii 2013-kii.

Madaxweyne Xasan Ruuxaani ayaa la sheegay inuusan weli aqbalin Is-casilaadaasi.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Syria, Bashaar Xaafid Al-asad ayaa waxa uu booqasho mar-la-arag ah ku tegay caasimadda dalka Iiraan ee Tehraan, wuxuuna la kulmay dhigiisa dalkaasi, Xasan Ruuxaani iyo Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Aayatullaahi Cali Khamanii.

Waa booqashadii 1-aad ee uu Madaxweynaha Syria ku tago Iiraan, tan iyo markii ay dagaalladda sokeeye ka bilowdeen dalka Syria bishii Maarso ee sannadkii 2011-kii.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment