888 Views

Bulshada xeerkeedu yahay in afar walaalo ah ay hal xaas wada guursan karaan

Bulshada xeerkeedu yahay in afar walaalo ah ay hal xaas wada guursan karaan
____________________________________________________________________________


Isniin: January 17, 2022

Qoyska reer Lama ee gobolka Tibet ee ee dalka Nepal ayaa 17 fac ku dhaqmayay guur wadareedka waxa loo yaqaano, iyada oo balse tani ay ka duwantahay sida lagu yaqaano bulshooyin badan oo Afrikaanka ay ka midyihiin.

Tusaale waxaa dhacda in afar nin oo wada dhashay ay xitaa markaliya wada arooseen hal xaas, balse arrintaasi hadda waa mid meesha kasii baxaysa , da’yartiina ay diideen, qof kasta oo ka mid ahna wuxuu hadda leeyahay hal xaas.

Islaanta afarta walaalaha ay wada qabaan oo lagu magacaabo Champasingh ayaa la sheegay in ay dhashay ilmo miisaankiisu uu aad u weynyahay , iyo shan gabdhood.

Sida uu sheegay Rapdan oo ka tirsan qoowmiyaddan, qofka marka uu wax barto, waxa uu iska dhaafaa dhaqanka noocan ah.

Nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Sange Tanjan oo jaamacad ka dhigta ayaa yiri “Aqoonta wax badan ayay ina bartay, dhaqamadana dad badan ayaa kasoo horjeed”.

Sida uu dhaqanka yahay, haddii dhawr nin oo wada dhashay uu midkood hor guursado, kuwa kale waxa ay ku qasbanyihiin in islaantaas walaalkood uu qabo ay xaas u noqoto, taas oo meesha ka saaraysa dooqii iyo rabitaankii qofka kale.

Balse haddii wiilka uu ka yaryahay 10 sano, walaalkiisna uu xaas guursado, markaas waxaa hadhoow loo ogolaan doonaa in uu xaas kale guursado marka uu qaangaaro.

Balse sanadihii dambe waxaa aad u badanahay khilaafaadka ka dhex dhasha qoysaska, iyada oo walaalaha ay isku maan dhaafayeen halka xaas ee ay wada qabaan.

Berigii hore waxaa jirtay in dadka ay ahaayeen xoolo dhaqato, iyo kuwa ka ganacsada xoolaha, sidaas darteed waxaa dhici jirtay in labada nin ee walaalaha ah uu midna xoolaha dhaqaaleeyo, midna ganacsiga, isku meelna ma aysan joogi jirin inta badan.

Balse hadda maadaamaa meel kaliya lagu wada noolyahay waxaa batay buuqa iyo isku dhacyada reeraha dhexdooda

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post