312 Views

Ruushka oo dagaalka Ukraine ku adeegsanaya noocyo kala duwan oo miinooyinka ah

Ruushka oo dagaalka Ukraine ku adeegsanaya noocyo kala duwan oo miinooyinka ah
____________________________________________________________________________

Khamiis: NOVEMBER 17, 2022

Hay’ad miino saarida ka shaqeysa ayaa sheegtay in isticmaalka Ruushka uu miinooyinka dhulka ku iscticmaalayo dagaalka Ukraine ay dib u celineyso 25 sano oo horumar laga gaaray dagaalka ku saabsan in la mamnuuco miinooyinka .

Hay’adda Landmine Monitor ayaa ku sheegtay warbixinteeda sannadlaha ah in Ruushku ay soo saarayaan noocyo cusub oo miinooyinka dhulka ah ayna geliyeen ugu yaraan toddobo nooc oo kala duwan dhulyowga kala gedisan ee ku yaala Ukraine tan iyo markii dagaalku bilowday bishii February.

Hay;adda ayaa sheegtay tirada rayidka ku waxyeeloobay miinada iyo walxaha kale ee qarxin eek u jira Ukraine sagaalkii bilood ee ugu horreeyey sanadkan ay kordheen .

Warbixinta ayaa lagu sheegay in isticmaalka hubkaas uu caqabad ku noqday hehiiskii lagu mamnuucay Miinooyinka ooh adda ay ka soo wareegtay 25 sano kaas oo ay saxiixeen 164 dal

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post