813 Views

Dagaal culus oo degmada Ceelwaaq ku dhexmaray Ciidamada Kenya iyo Ururka Al-Shabaab.

Dagaal culus oo degmada Ceelwaaq ku dhexmaray Ciidamada Kenya iyo  Ururka Al-Shabaab.
____________________________________________________________________________

May 6,2021

Wararka ka imaanaya saakay degmada Ceelwaaq oo ka tirsan Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal aad u culus oo dhex maray Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar qarax ku bilaawday ay ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin degmada Ceewaaq, waxaana halkaasi ka dhacayd aagal xoogan.

Dadka degmada qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac balse aysan biixn Karin faah fahino dheeraad ah.

Sidoo kale dadka degmada waxaa ay sheegeen inay cabsi ballaaran soo wajahday intii uu dagaalka socday, maadaama ay ka baqdin qabeen inay waxyeelo kasoo gaarto dagaalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post