348 Views

Deegaan sugayey in la magaaleeyo 180 sano kadib loo ogolaaday in ay Noqoto Magaalo

Deegaan sugayey in la magaaleeyo 180 sano kadib loo ogolaaday in ay Noqoto Magaalo
____________________________________________________________________________

Isniin:AUGUST 29, 2022

Gibraltar, ayaa haatan wixii ka danbeeya waxay noqonaysaa magaalo, 180 sano kadib, markii ugu horeysay ee ay siisay darajadani boqoradda Victoria.

Dhulkani ku yaalla dibadda ee Ingiriiska uu leeyahay, ayaa waxaa la qorsheeyey inuu noqdo magaalo horaantii sanadkan, iyadoo qayb ka ah nidaamka Boqorada ee Platinum Jubilee.

Laakiin markii cilmi-baarayaashu ay eegeen keydka Qaranka Ingiriiska, ayaa waxay ogaadeen in mar horaba loo aqoon sadey magaalo Gibraltar, xili ku beegan sanadkii 1842.

Go’aanka magaaleynta ayaa haatan dib loo xaqiijiyay, iyadoo Boris Johnson uu ku tilmaamay inay tahay “sharaf weyn” oo xuseysa “taariikhdeeda qaniga ah iyo kartida” Ingiriiska.

Gibraltar waxay ahayd dhul Ingiriis ah oo dibadda ku yaalla tan iyo 1713-kii, markii lagu wareejiyey boqortooyada Ingiriiska, iyadoo la raacayo heshiis nabadeed oo la saxiixay kadib dagaalkii Isbaanishka.

Maqaamka magaalada, ayaa waxaa inta badan lala xiriiriyaa inay yeelato kaniisad, jaamacad, iyo dad tiro badan, laakiin ma jiraan xeerar u degsan oo la siiyay, waxaa ansixin doonta boqortooyada markay la tashato golaha wasiirada.

Dawladdu waxay sheegtay in Gibraltar laga saaray liisaska rasmiga ah, kadib markii kal hore ay siisay maqaamka magaalo boqoradda Victoria, laakiin ma cadda sida ay taasi u dhacday.

Diiwaanka la cusboonaysiiyay ee 81-ka goobood ee loo magacaabay magaalooyinka, ayaa hadda la daabacay. Gibraltar waa mid kamid ah shanta goobood ee ka baxsan Boqortooyada Midowday ee la aqoonsan yahay.

Hamilton, ayaa ku taalla jasiiradda saddex xagalka Bermuda, Jamestown oo ku taalla Saint Helena, iyo Douglas oo ku taalla Isle of Man, ayaa kal hore lagu daray liiska, halka Stanley oo ku taalla jasiiradaha Falkland ay kamid yihiin goobaha la magacaabay xuskii Jubilee ee sanadkan.

Southend oo ku taalla Essex, ayaa sidoo kale la siiyay aqoonsi magaalo horaantii sanadkan, kadib dilkii xildhibaan David Amess, kaasoo wakiil ka ahaa deegaanka Koonfur Galbeed, ilaa sanadkii 1997-dii, oo muddo dheerna u ololeynayay arrintan.

Wasiirka xafiiska xukuumadda, Kit Malthouse, ayaa yidhi: “Magaalooyinka liiskan ku jira aad bay hodan ugu yihiin taariikhda iyo dhaqanka, dadka deegaanka ee aagaggaas degganina aad bay ugu hanweyn yihiin inay arkaan muhiimadda magaaladooda oo warqad si rasmi ah looggu soo saaro.

“Waxaan ku rajo weynahay in dadka ku nool meelahan, gaar ahaan magaalooyinka cusub, ay ka faa’iidaysan karaan faa’iidooyinka kor u kaca heerka caalamiga ah ee magaalada ay guryaha ku leeyihiin, iyo inay soo jiidan doonaan maalgashi gudaha ah, oo u badan ganacsiyada maxaliga ah.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post