1584 Views

Doomo waday tahriibayeyaal oo lagu qabtay Xeebaha Berbera

Doomo waday tahriibayeyaal oo lagu qabtay Xeebaha Berbera
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 18, 2018 –  Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Seddex doon oo loo adeegsanayay Tahriibinta dadka  ay qabteen ciidamada xeebaha Somaliland.

Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay in doonayaha la qabtay  qaarkood ay saarnaayen Haween & Caruur.

Hay’adda UNODC ayaa sheegtay in Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen doonyahaasi oo u socday dalka Yemen,islamarkaana ka baxay magaalada Berbera ee Somaliland.

Hay’adda waxa ay sheegtay in dadkaasi ay u socdeen tahriib sharci daro oo ay doonaayeen in ay ku taggaan Yemen ka dibna ay uga sii gudbaan dalka Sucuudiga.

Magaalooyinka Berbera iyo Boosaso ayaa si maalin ah waxaa uga baxa Muhaajiriin badan oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan, kuwaasoo Aada dalka Yemen, kadibna uga sii gudba dalka Sacuudiga.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment